WARBIXIN:- Dowladda Soomaaliya oo dagaal adag wajahaysa iyo Reer galbeedka oo walaacsan

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” iyo Ra’iisul wasaarihiisa Xasan Cali Kheyre ayaa u muuqda kuwo wajahaya culeysyo siyaasadeed iyo mid ammaan oo adag, taas oo aan hore loo filayn in ay ka hor imaan karto.

Dowladdan oo la doortay bishii February ee sanadkan waxa ay weli u baahan tahay dubbe lagu hoggaamiyo istiraatiijiyad cusub oo lagula dagaalamo dhaq dhaqaaqa islaamiyiinta mayalka adag ee Al Shabaab , sidoo kale dhismaha hey’adaha qaran ee wax soo saarkoodu xadidan yahay iyo dowlad dhexe oo baadi doon ugu jirta sharciyad (ION 1450). caqabadahaasi waxa ay walaac geliyeen bulshada caalamka.

Sida lagu daabacay mareegta faafisa wararka la xiriira Sirdoonka africaintelligence.com Reer galbeedku waxa ay ka cabsi qabaan in Muqdisho aanay xal u heli karin dhammaan arrimahaasi mar qura. Kulan bilowgii bishii July dhexmaray mas’uuliyiin ka kala socda Britain, Norway iyo Midowga Yurub, Kheyre wuxuu qiray inay ku adag tahay la dagaalanka musuq maasuqa iyo inuu horumariyo howlaha canshuur uruurinta guud ahaan dalka Soomaaliya, waxaana uu farta ku fiiqay qaar ka mid ah ganacsatada gudaha oo ay ku jiraan Ahmed Mohamed Yusuf, Guddoomiyaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud,  Mohamed Yusuf Ahmed Alore, Guddoomiyaha Salaam African Bank iyo Abdirashid Duale, Maamulaha Dahabshiil. waxa uu u arkayay inay joojin doonaan si loo dhaqaajiyo, loona xoojiyo awoodda dowladda, waayo taasi waxa uu nidaamka canshuuraha ka dhigayaa mid aad waxtar u leh.

Ra’iisul wasaaruhu waxa uu si lama filaan ah u sheegay in ganacsatada ay canshuur dheeraad ah ay siiyeen Al Shabaab, kana badan tan ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka qaaddo. waxaana uu u arkaa taageeridda qarsoon ee Ururka Al Shabaab in ay ka dhigan tahay qalqal gelinta deganaanshaha dowladda, hor istaageysana in sharcigu sarreeyo. taasi waxay keentay in ragga muuq-muuqda ee  ganacsatada ay ka gaabiyaan bixinta xaqqa dowladdu ku leedahay.