WARBIXIN:- Madaxweyne Farmaajo oo amar dul dhigay maamul goboleedyada dalka

0

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ka digay in maamulada dalka ay xal u heli waayan dagaalada ka dhex jira deegaanada ay maamulan.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in maamulada laga doonaayo inay xal waara u helaan colaadaha ka dhex aloosan deegaanada ay ka arimiyaan.

Waxa uu farta ku goday in colaadaha ka jira Gobolada ay yihiin kuwo u dhexeeya Soomaali lana doonaayo in laga gaaro xal kama danbeyn ah.

Waxuu cadeeyay in dadka ugu badan ee ku dhamaanaya dagaalada ay yihiin dad shacab oo xiliyadaasi ku guda jira raadinta nolol maalmeedkooda.

Farmaajo ayaa hadalkaani sheegay xili uu si guud uga hadlaayay dagaalka ka socda deegaanka Xeeraale ee Gobolka Gal­guduud.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku taliyay in waxgaradka deegaanadaasi ay wadahadal ka dhex abuuran beelaha uu dagaalka u dhexeeyo.

Haddalka madaxweynaha ayaa kusoo beegmaaya xili dagaal beeloodyada ka jira Gobolada ay kusii faafayaan Gobolada nabdoon.