Wariye Caan ah oo laga sii daayay Xabsiga Garoowe ka dib 14 Maalmood oo uu ku xernaa

0

Wariye Axmed Cali Kilwe oo ka mid ah Wariyaasha ka hawlgala Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, ayaa laga sii daayay Xabsiga Magaalada Garoowe.

Wariyaha, ayaa afar iyo toban maalmood sifo aan sharci ahayn ugu xirnaa Xabsiga Magaalada Garoowe, ka dib markii ciidamada ammaanka ay 2-dii bishan ka qabteen Bartamaha Magaaladaasi.

Wariyaha oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in si ka fool xun sida argagixisada loogu qabtay Magaalada Garoowe, ka dibna loo gudbiyay Saldhiga Koonfurta Garoowe ku yaalla, halkaasoo uu saddex maalmood ku xirnaa, loogana sii gudbiyay Xabsiga weyn.

Waxa uu sidoo kale sheegay in lagu xiray qaybta lagu xiro dadka loo haysto dembiyada culus, sida Al-Shabaabnimo, burcad badeed iyo dadka kale ee halista ku ah nabadgelyada.

Ugu dambeen maanta, ayuu sheegay in jeelka uu ku soo booqday nin qareen ahaa, oo ay u qabatay Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Puntland, kaasoo u yimid isagoo sida warqad ay ku qoran tahay (Sii deyntiisa) oo keliya. Qareenka wuxuu i tusay buu yiri warqadda hore ee xabsi xalaalaynta ee jeelka weyn la’igu gudbiyay iyo waraaqda maanta ee la’igu soo daayay. Wuxuu intaa ku daray in waraaqahaasi aanay midna sharci ahayn.

Wariye Kilwe, ayaa xariga loo gaystay ku tilmaamay sharci-darro cad, wuxuuna yiri “Waxaan oran karaa xarigii la i xiray wuxuu ahaa sharc-darro cad, wuxuu ahaa afduub xuquuqdeeda, xorriyadeeda, qofnimadeeda iyo sumcadeeda, meel looga dhacay buu ahaa. Maantana si lamid ah kii, ayaa si sharci-darro ah bannaanka la’igu soo saaray, waxaana la yiri iska bax, iyadoo waraaqda ku qoran tahay hala sii daayo oo keliya.”

Kilwe oo wax laga weydiiyay in loo sheegay waxa lagu xiray, ayaa sheegay inaanay jirin eedeymo toos ah oo kaga yimid Maamulka Puntland.