TOP NEWS:-Wasaaradda amniga Gudaha oo soo saartay go’aano Culus, Kuna dhawaaqday iney furan yihiin Wadooyinka Muqdisho

0

Wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Somaliya ayaa waxba kama jiraan ku sheegtay inay jiraan waddooyin xiran oo magaalada Muqdisho ah, marka la eego dhamaan wadooyinka dhexmara Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaraddaasi Axmed Maxamed Maxamuud “ Axmed Carab” ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay xaqiijiyeen amniga Muqdisho, islamarkaana waddooyinka ay yihiin kuwo furan waa sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay ciidamada ammaanka inay koontaroolan wadooyinka Magaalada Muqdisho, balse jirin wado si rasmi ah u xiran oo Magaalada ku dhex taal.

“Waddo xiran oo Muqdisho ah ma jirto, haddii xiritaan loo yaqaano ciidan amniga waddooyinka ay taagan yihiin waa gooni, laakiin waddo gaar ah oo la xiray waddooyinka waaweyn ma jirto, wax fiican ma ahan barobagaandada amniga lagu wado, hadii amni wadanka ka dhaco horumar ayaa imaanaya…. adaan ku weydiinaa haddii ay jiraan waddooyinka xiran, aniga oo ah Afhayeenka wasaarada amniga ma arag, wax iga qarsoon malahan, ma jirto waddo muuqato oo xiran” ayuu yiri Afhayeenka.

Dhanka kale, Afhayeen Carab ayaa ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, isaga oo tilmaamay in Al-shabaab ay cadow ku yihiin dadka shacabka ah.

Inkastoo Afhayeenka Wasaaradda amniga uu waxbo kama jiraan ku sheegay inay jiraan waddooyin xiran oo magaalada Muqdisho ah ayaa haddana waxaan qarsooneen jidcadayaasha dowladda ay dhagxaanta ku xirtay, kuwaasi oo yaalla muddo bil ku dhow.