Weerar qorsheysan oo lagu qaaday degaanka Tooro-toorow ee Gobolka Sh/Hoose

0

Weerar qorsheysan oo isugu jira dhul iyo cir ayna ka qeyb galeen ciidamada sida gaarka u tababaran ee dowladda Soomaaliya iyo ciidamo Maraykan ah ayaa xalay lagu qaaday degaanka Toorotoorow oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Wararka ku saabsan weerarkan oo goor dhow soo baxay ayaa la sheegay in diyaarado helecoptar ah ay ku daadiyeen ciidamo duleedka deegaanka Toorotoorow kadibna uu iskahorimaad xoogan ka dhacay deegaanka Toorotoorow iyadoo aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay weerarkan.

Si kasta ha ahaatee weerarkan lagu qaaday Toorotoorow ayaan ahayn kii ugu horeeyay iyadoo hore dhowr jeer weeraro ay ku qaadeen ciidamada dowlada oo garabsanaya ciidamo ajaaniib ah.

Ciidamada Maraykanka oo sida gaarka ah u tababaran ayaa kala qeybgala ciidamada dowladda ee loo yaqaan Danab weerarada gaarka ah ee laga fuliyo magaalooyin ka mid ah dalka Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin ururka Al-shabaab.

Askari Maraykan ah ayaa ku dhintey mid kamid ah weerarada ay iska kaashadeen ciidamada Dowlada iyo kuwa Maraykanka ah ee deegaanka Bariire dhowaan.