DHAGEYSO:- Xaalad Halis ah oo laga soo sheegayo Degmada Qansax Dheere

0

Guddoomiye ku xigeenka Degmada Qansax dheere Cabdulle Xasan Saneey ayaa sheegay in Xaalad adag oo Macluul ah ay ka jirto degmada Qansax dheere.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dad badan gaajo darteed ay u dhinteen kuwa kalena ay hada ku sugan yihiin Xaalad adag.

Waxa uu sheegay in guud ahaan degmada Qansax dheere ay ka jiraan abaaro iyo Xaalado adag oo dhanka nolosha ah.

Waxa uu Hay’addaha gargaarka, Maamulka Koofur galbeed iyo Dowladda dhexe ugu baaqay in gargaar deg deg ah lala soo gaaro dadka dhibaateysan ee degmada ku sugan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay socdaan qorshayaal iyo howlgalo lagu furayo wadooyinka xeran ee soo gala degmada.

Hoos ka Dhageyso Codka:-