XOG RASMI AH:- Goorma ayuu Madaxweyne Farmaajo Tegayaa Puntland?

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu dhawaan tago Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka  Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqashadiisa Garoowe waxaa ay ku began tahay xuska aas aaska Puntland oo ay ka soo wareegtay 19 Sano,waxaana uu ku beegan yahay 1da Bisha August ee Sanadkan.

Madaxweyne Farmaao oo dhawaan booqday magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubaland ayaa ballan qaaday in uu tegayo dhamaan Xarumaha Maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Waxaa uu horay u tagay Magaalooyinka Baydhaba iyo Cadaado,waxaana u dhiman Puntland oo uu dhawaan ku wajahanyahay in Magaalada Jowhar oo Xarun u ah Maamulka ugu yar dowlad Goboleedyada ee Hirshabeelle.

Amniga guud ee degaannada Puntland ayaa aad loo adkeeyay iyaga oo uu socdo  dhaq dhaqaaqa u diyaargarowga xuska sanadguurada 19aad ee Aas aaska Puntland.