XOG RASMI AH: Isbadal weyn oo ku yimid qaabka mushaarka loo siinayo shaqaalaha gobolka Banaadir

0

Qaabka loo bixinayo Mushaarka Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa isbadal weyn lagu sameeyey tan iyo markii xilkaas loo magacaabay Thaabit Cabdi Maxamed.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaa soo kordhiyey system cusub oo lacagta mushaaraadka lagu siinayo shaqaalaha Gobolka Banaadir, waxaana shaqaalaha lagu wargeliyey inay akoono ka sameystaan Bankiyayada gudaha ee Muqdisho si lacagtooda loogu shubo.

Dhammaan shaqaalaha Gobolka Banaadir ayaa amarkaas fuliyey waxayna sameystan akoono, wuxuuna guddoomiyaha amray in lacagta mushaaraadka akoonadaas loogu shubo, waxayna arrintaas noqotay mid si rasmi ah u hirgashay, waxayna sheegeyn Shaqalaha in markii ugu horeysay Systemkaan uu la imaaday Guddoomiye Thaabit Cabdi Maxamed.

Shaqaalaha gobolka Banaadir ayaa markii hore lacagta si caadi ah loo siin jiray, waxayna u badneyd inay helaan Shilin Soomaali ay Jawaano ku qaadan jireen, iyagoo sidoo kale bilaha qaar heli jireyn lacagtooda waqti aan munaasib aheyn, balse wuxuu Thaabit Amray in Mushaarkooda si joogto ah 28 Bisha loogu shubo Akoonadaas.

Markii Guddoomiyaha la magacaabay iyadoo aan laga joogin 15 berri ayuu amray in dhammaan shaqaalaha Gobolka la siiyo mushaarkooda weliba loogu shubo akoonadooda.

Mid kamid ah Shaqaalaha Xafiiska Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyey inay dhammaan shaqaalaha ay aad ugu faraxsan yihiin inuu Guddoomiyaha cusub Thaabit Cabdi Maxamed xuquuqdooda meel fiican saaray isla markaasna ay mushaaraadkooda qaateen inta aysan bisha dhammaan.

Sidoo kale Guddoomiye Thaabit ayaa badalay qaabkii markii hore loo xaadirin jiray shaqaalaha Gobolka Banaadir oo aheyd inay saxiixaan buug weyn oo xafiiska yaalo, balse wuxuu xafiiska kusoo kordhiyey Qalabka loo yaqaan (Finger Sign) ee mashiinka ah, kaasoo keediyo waqtiyada ay shaqaalaha shaqada soo galaan iyo waqtiyada ay ka baxaan taasoo lagu tilmaamay horumar weyn oo la gaarsiiyey xafiiska.

Guddoomiye Thaabit oo ah nin dhallinyaro ah ayaa hami weyn ka leh inuu wax badan kusoo kordhiyo Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana jiro waxyaabo badan oo muuqdo oo uu ilaa hadda soo kordhiyey.