Magaalada Larnaca ee dalka Qubrus ayaa waxa isku dilay wiil Soomaali ah oo 18 jir ah, kadib marki loo diiday in magangalyo laga siiyo dalkaasi.
Booliska magaalada Larnaca ayaa xaqiijiyey in Maxamed Dahir uu isagu is dilay aroornimadi hore ee Talaadadi aanu soo dhaafnay 29-ka bishan August.
Maxamed Daahir oo markii hore ka tagay magaalada Muqdisho kuna sugnaa dalka Qubrus ayaa ku socday qorshe ah in uu la midoobo qoyskiisa oo ku nool dalka Ingiriiska.
Cabdalla Axmed oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Qubrus oo la hadlay VOA ayaa sheegay arrintan in ay aad uga naxeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi, maadaama falka uu isku dilay ahaa mid aan wanaagsaneyn.
Maanta gelinka dambe ayaa lagu wadaa in lagu aaso qabuuro ku yaalla duleedka Magaalada Larnaca ee dalka Qubrus,