Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Nugaal Afar ruux ayaa lagu dilay, kadib markii dabley hubaysan dadkaan xalay fal toogasho ah u gaysteen.
Dilka ayaa wuxuu ka dhacay xuduuda Gobolada Sool Iyo Nugaal, waxaana dadka deegaanka dilkaan ay ku sheegeen inuu salka ku haayo falal la xiriira aanooyin qabiil oo horay u dhacay.
Dadka Xoolo dhaqatada ah ee la dilay, ayaa la sheegay markii la dilaayay inay ku sugnaayeen guryahooda, kadibna dabley hubaysan oo aargoosi u socda ay dadkaasi dileen, kadibna ay baxsadeen.
Xoola Dhaqatada la dilay iyo kuwa wax dilay ayaa labadaba waxa ay ka soo jeedaan Puntland, waxaana arintaan durba ku baxay Odayaasha Dhaqanka Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal.
Odayaasha Degmada Burtinle ayaa la soo sheegayaa inay wadaan xal u raadinta dilalka dhacay si aysan u dhicin dilal kale oo la xiriira falkaan xalay dhacay.
Xoolo Dhaqatada la dilay iyo kuwa wax dilay ayaa waxaa ka dhaxeeyay dagaal muddo soo jiray, sida Odayaasha ay sheegeen, balse muddooyinkii dambe ayaa xaaladooda waxa ay aheyd mid degan.
Dilalka ku saleysan aargoosiga qabiilka ayaa guud ahaan waxa ay ka dhacaan Gobolada dalka Somaliya.