Waxaa dib u dhac ku yimid kulankii Baarlamaanka Soomaaliya ay maanta ku yeelan lahaayeen xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.
Golaha shacabka Soomaaliya oo 15kii August ee Sanadkan galay fasax 23 Cisho ah ayaa la filayay in ay ka soo laabtaan manta .
Xoghayaha Baarlamaanka Soomaaliya C/Kariin Xaaji Buux; ayaa sheegay in kulanka Baarlamaanka uu dib u furmayo 9-ka September oo ku beegan maalinta Sabtida ah ee soo socota.
Hase yeeshee kulankii 1aad ee fasaxa kaddib ayaa dib u dhacay kaddib markii Xildhibaannada lagu wargeliyay in kulanka dib loo dhigay.
Xildhibaanno ka mid ah Golaha shacabka ayaa sheegay in kaliya loo soo diray farriin xaqiijineysa in kulanka uu baaqday islamarkaana uu furmayo 9-ka Bisha.
Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa sheegaya in ay doonayaan in kulanka ugu horreeya ee golaha shacabka ay horgeeyaan dhacdooyinkii dhacay intii ay fasaxa ku jireen.