Wararka naga soo gaaraya Degmada Wardhiigley ayaa sheegaya in goordhow tiro Hoobiyayaal ah ay ku dhaceen gudaha Garoonka Stadium Muqdisho ee Magaalada Muqdisho.
Ilaa 3 Hoobiye ayaa la sheegayaa in ay ku dhaceen Gudaha Garoonka Muqdisho,halkaas oo saldhig Ciidan u ah Ciidamada AMISOM.
Lama sheegin khasaare ka dhashay ilaa hadda,sidoo kalena wax saameyn ah kuma yeelan dhaq dhaqaaqa Waddooyinka Soddonka iyo Warshadaha oo uu dhexdooda ku yaallo Garoonkaas.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in saddex Madfac ay ku dhacday Xarunta Garoonka Muqdisho,iyaga oo intaas ku daray in ay jugta maqlayeen.
Garoonkan waxaa uu tan iyo 2007dii Saldhig Ciidan u yahay Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM,kuwaas oo dhowr jeer ka biya diiday in ay ka guuraan kaddib markii dowladda Federaalka ka codsatay.