133 Qaxooti Soomaali oo dib u soo laabanaya ka dib Markii ay..

0

Markab ay la socdaan 133 Qaxooti Soomaali ayaa ka soo shiraacday Dekedad magaalladda Cadan ee ku taalla Koonfurta dalka Yemen.

Hay’adda Muhaajiriinta Caalamka ee IOM iyo UNHCR ayaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyey safarkaasi, waxaana la filayaa inuu Markabkaasi saacadaha soo soda ku soo xirto Dekedda magaalladda Berbera.

Qaxootigaasi la sheegay inay iskooda u go’aansadeen in laga soo daad-gureeyo dalka Yemen ee ay colaaduhu ragaadiyeen waxay ka mid ahaayeen dadkii Soomaalida ee ku noolaa Xeryaha Qaxootiga ee KHARAS ee Gobalka LAXAJ iyo BASAATIIN ee magaalladda Cadan ee Koonfurta Yemen.

Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga “UNHCR” ayaa taageeraysa Qaxootiga Soomaalida ee iskooda uga soo laabanaya dalka Yemen oo ay ku nool yihiin in ka badan 380,000 oo Qaxooti iyo Magangelyo-doon ah.

Dhinaca kale, UNHCR waxay taageero u fidinaysaan  ilaa 10,000 oo Qaxooti Soomaali ah, kuwaasi oo go’aansaday inay iskooda loogu celiyo Somalia, sida ku cad Warbixinta la soo gaarsiiyey Miisaska Taageeradda Dib ugu soo laabashadad Somalia