Waxaa maanta la fillayaa inay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe gaaraan wafuud kala duwan, oo lagu wado in ay dusha kala socdaan Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle.
Wafuudan waxaa qayb ka ah wafdi Wasiiro ah oo ka socdo dhinaca Xukuumadda Somaliya, oo lagu wado inay ka amba baxaan. Ilo wareedyo ayaa inoo sheegay in Wasiiradan uu hogaamin doono Wasiirka Arrimaha Gudaha & Federaalka, Cabdi Faarax Saciid (Juxa).
Wasiiradan iyo Xildhibaano ka horeysay oo ku sugan Magaalada Jowhar, ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta Sabtida ay kor joogto ka noqdaan Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle, oo sideed musharax ay u taagan tahay.
Sidoo kale waxaa la fillaya in Magaalada Jowhar ay gaaraan qaar ka mid ah Madaxweyne-yaasha Maamul Goboleedyada, Wasiiro iyo Xildhibaano ka kala socdo Maamul Goboleedyada.
Abuukar Xasan Cali, Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa xaqiijiyay inay fillayan in sidoo kale ay Jowhar soo gaaraan xubno ka kala socdo Urur Goboleedka Igad & Beesha Caalamka.
Magaalada Jowhar, ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay gaaray Odayaal Dhaqameedyo, waxgarad, siyaasiyiin iyo aqoonyahanaba, kuwaa oo daneynaya in ay si dhow ula socdaan Doorashada Madaxweynaha.
Wariye-yaasha ka hawlgala Xarunta Maamulka Hirshabelle, ayaa waxay ku soo waramayan in Ciidamada Dowladdu ay adkeeyen amniga magaalada, si ay kaga hortaggan falal liddi ku ah nabadgelyada.
Sideeda musharax ee u taagan xilka Madaxtinimada Hirshabelle, ayaa kala ah Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), Maxamed Cabdi Waare, Maxamed Caruush Diirow, C/raxmaan Xasan Caddow, C/naasir Maxamed Shirwac, C/kariin Cali Nuur, Cabdi Faarax laqanyo iyo Daahir Cabdulle Cawaale.