Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax.
Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Jaamacadda Jobkey iyo Xeradda Naareyn ee degmada Afgooye.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degaanka Qaraxa ayaa ahaa Miinada dhulka lagu Aaso, waxaana la sheegay in lala beegsaday Ciidamo ka tirsan dowladda.
Wararka waxa ay sheegayaan in Qaraxaasi uusan geysan Khasaare dhimasho ah, laakiin ay jiraan dhaawacyo Fudud.