MadaxweynahaHirshabelle ayaa goor dhaw wuxuu gaaray Magaalada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka.
Maxamed Cabdi Waare oo ka soo ambabaxay Magaalada Baledweyne, ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay Magaalada Buulo burde, halkaasi oo iminka kulan kula leeyahay Maamulka Degmada.
Ammaanka Magaalada Buulo burde, ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana amniga iska kaashanaya ciidamada Amisom iyo kuwa Xoogga dalka Somaliya ee ku sugan Magaaladaasi