Wabiga Shabelle ayaa fatahaad xoogan waxa uu ka geystay Tuulooyin hoosyimaada Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Waxaana lagu soo warramayaa in uu ku fatahay wabiga dhul Beereed ballaaran oo ku yaala duleedka Maagalada Jowhar.
Qaar ka mid ah dadka Beeraleyda ayaa sheegay in fataahada Wabiga ay ku yeelatay Saamey xoogan, islamarkaana uu khasaaro ka soo gaaray Beerahooda.
Wabiga Shabelle ayaa xilliyadan oo kale fatahaad xoogan ka sameeya deegaanada ku dhow, iyadoo khasaaraha ugu badan ay kala kulmaan Beeraleyda ku dhaqan Gobolkaasi Shabeelaha Dhexe.