Ciidanka Kenya oo lagu wado inay ka baxaan Degmada Baardheere

0

Ciidanka Militariga Kenya ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa waxaa lagu wadaa inay isaga baxaan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Baardheere, ayaa sheegaya in Ciidanka Kenya ay diyaargarow ugu jiraan, sidii ay uga guuri lahaayen degmadaasi, ka dib muddo laba sano ka badan oo ay deganaayen.

Ciidamada Dowladda Somaliya oo gacan ka helaya Ciidamada Kenya & Itoobiya, ayaa 22-kii bishii July ee sanadkii 2015-ka la wareegay gacan ku haynta degmadaasi, ka dib sanado badan oo ay Shabaabku ka arriminayen.

Degmada Baaardheere oo Webiga Jubba uu dhex maro, ayaa waxaa labada dhinac ku kala sugan Ciidamada Itoobiya & Kenya, waxaana la fillaya in Ciidanka Kenya ay baneeyan qaybtooda.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Maanta ay macquul tahay in Ciidanka Kenya isaga guuraan Degmada Baardheere, iyagoona dalkooda dib ugu laaban doono.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in Ciidanka Kenya, ay maalmaha soo socda isaga baxaan Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolada Jubbooyinka ka hawlgala, ayaa inoo sheegay in Ciidanka Kenya ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ay qaarkood uga baxayan goboladaasi.

Ciidanka Kenya, ayaa soo galay Gobolada Koonfureed Somaliya daba-yaaqadii 2011, wixii xilligaa ka dambeeyayna horumar dhameystiran kama aanay gaarin la dagaalanka Ururka Al Shabaab. Xukuumadda Nairobi waxaa lagu eedeeyay inaanay daacad ka ahayn hawlgalka ciidankeeda u jooggan Somaliya.