DAAWO: 4-Sano ka dib Shabaab oo runta ka sheegay tirada raggii fuliyay weerarkii Westgate

0

21-kii September 2013-kii Afar sano ka hor maanta oo kale waxaa dhacay weerarkii lagu qaaday xarunta Ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi dalka Kenya.

Weerarkaas oo Shabaab ay ka dambeeyeen wuxuu ahaa midkii ugu khasaaraha badnaa ee lagu qaado Kenya tan iyo wixii ka dambeeyay sanaddii 1998 xilligaas oo uu dhacay weerarkii lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi.

Shabaab oo weerarkan si faah faahsan uga hadlay ayaa waxa ay sheegeen in uu jawaab u ahaa Ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya, qeybna ka ah AMISOM, kuwaasi oo Soomaaliya yimid 2011-kii.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Kenya oo si faah faahsan aan u sheegin halka ay iska soo abaabuleen raggii weerarka fuliyay iyo tiradooda ayaa sheegay weerarkaasi in ay ku geeryoodeen 67 qof oo isugu jiray muwaadiniin cadaan Reer Galbeed ah iyo dad Kenyan ah oo xilligaas ka dukaameysanayay dhismahan.

Ururka Al-Shabaab ayaa markii u horeysay sheegay in weerarkii sanadkii 2013-kii lagu qaaday xarunta Ganacsiga ee Westgate Mall ay fuliyeen Afar dagaalyahan, oo hubeysan.

Inkastoo Shabaabka ay shaaciyeen tirada raggii fuliyay weerarkii Westgate, hadana ma aysan soo bandhigan magacyada ragga weerarka geystay iyo wadamada ay u kala dhasheen.