DAAWO: Odayaal ka soo jeeda Dowladda Deegaanka Sooomalida Itoobiya oo baaq u diray MD Cabdi Maxamuud Cumar

0

Kulan ay isugu yimaadeen Odayaal dhaqameed ka soo kala jeeda Somaliland iyo Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ujeedada kulanka waxay ahayd sidii baaq nabadeed ugu diri lahaayeen Dadka ku dagaalamaya dalka Itoobiya ee ka soo kala jeeda Qoomiyadda Oromada iyo Soomaalida Itoobiya.

 

Madax dhaqameedyadan ayaa ku amaanay sida Somaliland ay u soo dhaweysay Dadka Ajaaniibta ah ee ka soo jeeda Itoobiya ee magan galsanaya deegaanadeeda iyo sida ay u soo dhaweysay.

 

Sidoo kale,Odayaasha ayaa taageeray go’aanka madaxweynaha Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu ku doonayo inuu ku damiyo Xiisada ka dhex aloosan Oromada iyo Soomaalida Itoobiya.

 

Gobolka Hawaday ayaa waxaa ku dagaalamay dad ka soo jeeda Qoomiyadda Oromo iyo Soomaali kuwaasi oo dad badan iska dilay.

 

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailamariam Desalegn ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya Hawaday iney dirirta joojiyaan wax walibana lagu xaliyo wada hadal.