DAAWO SAWIRADA:- Dowladda oo soo bandhigtay qalabka Hawada Soomaaliya lagu Maamulayo

0

27-sano, kadib markii ugu horeysay ayay Dowladda Soomaaliya ay  si rasmi ah ula wareegtay Maamulka hawada Soomaaliya, waxaana ay soo bandhigtay qalabkii loogu tala galay in lagu maamulo hawadda Soomaaliya.

Xaflad Kooban oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay qalabkaasi oo muhiim ah Bulshadda Soomaaliyeed ,islamarkaana lagu hagi doono diyaaradaha maraya Hawadda Soomaaliya.

Maxamed C/laahi Oomaar oo ah Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Xukuumadda Federalka ayaa  sheegay in qalabkaan cusub ay yihiin kuwa muhiim ah oo soo gudbinaya xaaladda hawada Soomaaliya.

Hoos ka Daawo Sawirada:-