DAAWO SAWIRADA:- Wafdiga Ra’isal Wasaaraha uu hogaaminayo iyo Sida Mareykanka loogu soo dhaweeyay

0

Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo isugu jira Wasiiro iyo Diblomaasiyiin ayaa ku sugan xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York, iyagoo si rasmi ah ay uga qeyb galayaan shirka 72aad ee golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku fariisan doono Kursiga Soomaaliya ku leedahay xarunta Qaramada Midoobey, waxaana inta uu shirka socda uu la kulmi doonaa Mas’uuliyiin caalamka ka socda ee shirka ka qeyb galaya.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha uga qeyb galaya shirka Qaramada Midoobey ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad, Wasiirka Qorsheynta Amb. Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi, Danjirayaasha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey, UK iyo Sweden oo ah Diblomaasiyiinta Soomaalida.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maalinta jimcaha ee soo socota shirka ka jeedin doona khudbad dheer oo uu uga hadlayo xaalada Soomaaliya, is bedeladii dalka ka dhacay iyo horumaradii ay gaartay dowladda Soomaaliya.

Hoos ka Daawo Sawirada:-