DEG DEG : Golaha wasiirada Galmudug oo kulan deg deg ah ku leh M/Cadaado.

0

Wararka naga soo gaarayo magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug ayaa soo sheegayo in xiligaan ay halkaasi kulan deg deg ah ku leeyihiin Xubno ka tirsan Wasiirada Gammudug.

Mas’uuliyiin ka mid Golaha wasiirada Galmudug ayaa sheegay in ay socdaan kulamo gaar gaar ah kuwaas oo looga hadlaayo Khilaafka soo kala ddhax galay Madaxda Galmudug kaas oo salka ku Haayo go’aankii ay Galmudug ka qaadatay Muranka Khaliijka.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegayo in kulanka lagu taageeri doono go’aankii uu qaatay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle ee uu ku taageeray Isbaheysiga Sacuudiga.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi ayaa dhinacooda la sheegay in ay abaabulayaan kulamo kale oo looga soo horjeedo Madaxweyne Xaaf.

Galmudug ayaa lugaha mar kale la galeyso Guux siyaasadeed kaas oo u dhaxeeya Hay’adaha Maamulka waxaana laga cabsi qabaa in khilaafkaan uu la dago waxqabadka Maamulka.