DHAGEYSO : Afar Caruur Ah Oo Ku Geeriyootay Gobolka Shabeelaha Dhexe

0

Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in deegaanka Xawaadley oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Jowhar ay ka jiraan xaalado caafimaad dari , islamarkaana saameyn ku yeeshay dadka ku dhaqan deegaankaasi.

Gudoomiyaha deegaanaka Xawaadley ee Gobolkaasi Shabeelaha Hoose Cali Atuuni ayaa sheegay in 4 caruur ah saacidihii la soo dhaafay cudurka Jadeecada ay ugu geeriyoodeen deegaankaasi, islamarkaana haatan kuwa kale ay la’il daran yihiin cudurkaasi.

Sidoo kale gudoomiyaha deegaanka Xawaadley ayaa hoosta ka xariiqay in deegaanku uusan lahayn Isbitaal, islamarkaana xaalad caafimaad dari oo aad u daran ay ka taagan tahay halkaasi.

Waxaana uu madaxda maamulka Hirshabelle ugu baaqay in gar gaar caafimaad oo deg deg ah ay la soo gaaran dadkaasi, si loo bad badiyo nolosha caruur fara badan oo uu soo ritay cudurka Jadeecada.

Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa ka jira baahiyo caafimaad, waxaana bulshada ku dhaqan ay dalbanayaan in loo furo Isbitaalo, si loogu hortago dhibaatooyinka caafimaad dari ee ka jira Gobolkaasi Shabeelaha Dhexe.