DHAGEYSO:- Falaagada Al-Shabaab iyo Ciidmada Jubbaland oo ku dagaalamay Degmada Beled Xaawo

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Baled Xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaa in maleeshiyaadka ururka Al Shabaab ay saakay weerar culus ku qaadeen Degmada Beled Xaawo , iyadoo ay degmada isaga baxeen Ciidamadii Maamulka Jubbaland ee ku sugnaa.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Maleeshiyaadka Al Shabaab oo hubka waaweyn ku hubeysnaa, ay iska caabin kala kulmeen Ciidamada Jubbaland ee xerada ciidan ku leh dhinaca bariga ee Degmada Beled Xaawo, iyadoo la soo sheegayo in muddo kooban ka dib, ay u suurta-gashay inay ay kala wareegaan xeradaasi.

Maleeshiyaadka Faalagada Argagixisada ah ee Shabaabka oo dardar ku socday, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay gudaha u soo galeen degmada, isla-markaana ay la wareegeen Xarunta Maamulka iyo Saldhiga Booliska.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa waxa uu yiri  “Ciidamada Al Shabaab oo aad u fara-badan, ayaa saakay dhinaca bariga ka soo weeraray magaalada. Markii hore waxay weerareen xero ciidamada ku leeyihiin afaafka hore magaalada, xoog ayayna kaga soo gudbeen. Intii uu dagaalka socday qaraxyo ayaa la maqlay.”

Waxa kaloo uu yiri “Waxay u soo gudbeen Bartamaha Magaalada Beled Xaawo, waxayna wax ku tuur tuureen Xarunta Degmada iyo Saldhiga, iyagii ayaana hadda magaalada haysta.”

Goobjoogaha oo codsaday inaanan magaciisa la soo xigan, ayaa yiri “Ciidamadii magaalada ku sugnaa qaar waxay u tallaabeen xuduuda Mandheera, qaar kalena waxay u tallaabeen xuduuda Degmada Suufka ee dalka Itoobiya.”

Wuxuu intaa raaciyay “Saakay xaaladda magaalada way qasan tahay, rasaas ayaana la maqlaya oo ay ridayan Ciidamadii Al Shabaab ee magaalada qabsaday.”

Dhinaca kale Sarkaal ka tirsan Saraakiishii Jubbaland ee isaga baxday Degmada Beled Xaawo, ayaa inoo sheegay in ay ka warqabeen weerarka Al Shabaab, hase ahaatee ay xaalad dagaal uga baxeen degmadaasi, dibna ay iska soo abaabuli doonaan.

Isku soo wada duuboo waxaa adag in xog laga helo inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay weerarkan, degmadana waxaa ka jira xaalad hubinti la’aan ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-