DHAGEYSO:- Al-Shabaab oo Hanti ka baabi’iyay Ganacsato kana gubay 290-Gaari Dameero

0

Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Arimaha Bulshada degmada Waajid ee Gobolka Bakool C/llaahi Isaaq Malaaq Cali ayaa sheegay in nolosha dadka ku nool degmadaasi ay xun tahay,islamarkaana wadooyinka degmada Waajid u soo mari lahaayeen Agabyada ganacsi ay xiran yihiin afarta iyo barkii sano sano ee Dowladda degmada gacanta ugu jirtay.

Wuxuu sheegay Malaaq Cali in Al-Shabaab ay xireen wadooyinka muhiimka ah ee degmada Waajid,iyagoo gabi ahaanba diiday in gaadiidka u raran gaacsatada ay galaan kana soo baxaan degmada Waajid iyo deegaanada ku dhow dhow.

290-gaari oo ganacsi oo gawaari dameeri ay ku jiraan ayay Al-Shabaab ku gubeen duleedka degmada Waajid kuwaasi oo ay shixnad ganacsi u soo waday degmadaasi.

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur galbeed ayaa ku guuleysan la’ iney isku furaan wadooyinka muhiimka ah ee deegaanada Koonfur Galbeed kuwaasi oo ganacsiga ay maraan.

Ururka Al-Shabaab ayaa xabsi kor ka furan geliyay shacabka degmada Waajid ee Gobolka Bakool,waxayna arintaasi ku qasabtay xaalad adag oo dhanka nolosha ah.