DHAGEYSO:- Arrin Cusub oo lagu arkay Muqdisho iyo Ciidamo badan oo Howlgalo Wada

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan howlgal ciidamada Nabad sugida Soomaaliya ay xalay ka fuliyeen xaafado ka tirsan degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.

Howlgalka ayaa lagu soo qab qabtay dad boqolaal kor u dhaafaya,kuwaasoo qaarkood la sheegay in la dhigay xabsiga degmadaasi si baaritaan loogu sameeyo.

Howlgalka ayaa Ciidamadu waxa ay sigaar ah uga sameynayaan Xaafada xoosh ee degmadaasi dharkenley ilaa Saldhiga Galbeed,waxaana la soo sheegayaa in howlgalku uu ahaa mid bartilmaameed uu lahaa.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Alfa Group ama gaashaan ayaa howlgalka fulinaya kuwaasi oo wata 18-gaadiidka dagaalka ah.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in dad farabadan oo dhalinyrao u badan howlgalkaas lagu qabqabtay isla markaana kuwaas oo  uu uu sheegay in la isugu geeyay Barxad ku taalla Saldhiga Galbeed ee degmada Dharkenley laguna baarayo.

Maamulka degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir ayaa ayaa wada dadaalo uu ku doonayo inuu ku xaqiijiyo amaanka guud ee degmadaasi,islamarkaana laga hortago falalka qorsheysan ee degmadaasi ka dhaca.

Hoos ka Dhageyso Codka:-