DHAGEYSO: Ciidamada Dowladda oo Howlgal Amniga lagu sugayo ka sameeyay Shabeellaha Hoose

0

Ciidamda Xoogga dalka Soomaaliya ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen deegaano iyo tuulooyin hoostaga degmada Walaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose.

Taliyaha Guutada Lixaad ee Ciidamada Xooga dalka Gaashaanle Carab ayaa sheegay in howlgaladaan ay yihiin kuwo lagu xaqiijinayo Amniga,islamarkaana ciidamada ciidamada Dowladda ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxa uu sheegay in howlgalka ay ciidamadu inta badan ka sameeyeen tuulooyinka Warmaxan, tixsiile iyo Bilweyne iyo deegaano kale in kastoo uusan sheegin waxyaabo ay ku qabteen howlgalkaas.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dagaalo u dhaxeeyo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Halkaan ka Dhageyso Codka