DHAGEYSO : Ciidamada Kenya oo Isaga Baxay Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo

0

Wararka ka imaanaya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in Ciidamada Dowladda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika AMISOM in ay isaga baxeyn gudaha degmadaas.

Ciidamada Kenya ayaa la sheegay in ay isaga baxeyn Saldhigyadii iyo xarumihii ay ku sugnaayeen ee Degmadaas islamarkaana ay saqdii dhexe ee xalay ay ka baxeyn guud ahaan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Afhayeenka Ciidanka Dowladda Ee Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Nuur ayaa sheegay in Ciidamada Kenya oo mudooyinki ugu dambeeyay ku sugnaa Degmadaas ay isaga baxeyn, islamarakana aysan ogeyn sababta ka dambeysay.

Sidoo kale Afhayeenka Ciidanka Dowladda Ee Gobolka Gedo waxa uu sheegay in haatan degmada ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda federaalka Soomaliya ayna jirto cabsida ku aadan In dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab in ay la waregeen degmada.