DHAGEYSO:- Ciidamadii Kenya ee dhawaan ka baxay Baardheere oo gaaray degmada Baled Xaawo.

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Baled Xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamadii ka tirsanaa maamulka Jubbaland iyo Kuwa dawladda Kenya ee dhawaan ka baxay Degmada Baardheere ee gobalka Gedo ay Fariisin ay gaaren degmadaasi islamarkaana ay fariisimo cusub ka sameesteen Xaafado ka tirsan dedmadaas, sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Ciidankaan oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan islamrkaana wata gaadiidka dagaalka la geeyay goobihii Al-Shabaab Ciidamada Jubbaland ay ku wareereen ee degmada Beled-Xaawo iyo sidoo kale Nawaaxiga Xadduuda labada Dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dhinaca kale ciidamada Kenya ayaa la sheegay in ay fariisimo ka sameesteen meelo duleedka ah degmada Beled-Xaawo ah halkaasi oo ay soo mareen Al-Shabaabkii weeraray Ciidankii Jubbaland ee ku sugnaa gudaha degmada Beled-Xaawo.

Isku soo wada duuboo Dhawaan ayay ahayd markii ay Ciidankaan soo baneeyeen Saldhigyo ay ku lahaayeen Degmada Baardheere ee gobalka Gedo halkaasi oo booskoodi la geeyay Ciidamo Itoobiyaan ah oo garab siin doono ciidamada dawladda Soomaaliya ee halkaasi ku sugan.

HOOS KA DHAGEYSO