DHAGEYSO:- C/llaahi Daacad “ ma jiro Ciidamo Amisom ah oo la geeyay Magaalada Dhuuso Mareeb”..

0

Maamulka Ahlu Sunna ee gobolada Dalka ayaa beeniyay warar ay Warbaahinta qaar ee dalka ay tabiyeen.

Wararkaasi ayaa sheegayeen in Ciidamo ka tirsan Midowga Afrika ee AMISOM la geeyay Magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud.

Ahlu Sunna ayaa wararkaasi been abuur ku tilmaantay isla markaana shaacisay in aysan jirin Ciidamo Amisom ah oo la geeyay Magaalada Dhuusa mareeb.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ahlu Sunna ee gobolada dhexe C/llaahi Xirsi Diirshe Daacad ayaa sheegay in ay been abuur yihiin wararkaasi.

Wuxuu sheegay warkan in uu yahay xaaalad qaldan oo la abuuray, maamulka gobolada dhexena warkaasi uu u arkayo mid dad gaar ah ay iska wadaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-