DHAGEYSO : Dowladda Kenya Oo Sheegtay In Al Shabaab Ay Halis Ku Yihiin Ammaanka Dalkeeda.

0

Hay’adda sirdoonka dalka Kenya ayaa shaaca ka qaatay in Al Shabaab ay khatar weyn ku tahay ammaanka iyo horumarka dalkaasi sida uu sheegay sarkaal ka tirsan hay’adda sirdoonka ee dalkaasi.

Agaasime ku xigeenka hay’adaha sirdoonka Qaranka ee dalka Kenya Alexander Muteshi ayaa sheegtay in Magaalooyinka ugu halista badan ee dhinaca amniga ay yihiin Garrisa, Mandera, Wajir iyo Lamu oo badankood ku dhow xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

Mr Muteshi ayaa xusay in Al Shabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya iyo urur kale oo uu ka mid tahay Daacish ay khatarta ugu badan ku hayaan ammaanka, isagoo xusay in haddii aan wax laga qabin ay xaalada sidan ka sii xumaan karto.

“waxa halista ammaan daro keenaya ayaa waxaa ay tahay in Al Shabaab ay inta badan bartilmaameedsadaan kaniisadaha, dugsiyada waxbarasho iyo goobaha ay dad rayidka isagu yimaadaan”sidaasi waxaa yiri agaasime ku xigeenka sirdoonka Kenya oo la kulmay qaar ka mid mudanayaasha baarlamaanka dalka Kenya.

Saraakiil ka tirsan dhinaca amniga ee dalka Kenya ayaa hore u sheegay in ay sii wadi doonaan qorshaha ay kaga hortagayaan dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab oo inta badan weeraro khasaaro gaysta ka fuliya qaar ka mid ah Magaalooyinka ku dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Kumanaan shacab Kenyan ah oo ku dhaqan Ggobalka Xeebta ayaa waxaa soo wajahay cabsi xoogan, kadib markii Al Shabaab ay deegaanadaasi ku qaadeen weeraro is xiga xiga bilihii la soo dhaafay.