DHAGEYSO+DAAWO:- Golaha Badbaadinta Koonfur Galbeed oo ka hor yimid Go’aankii Madaxweyne Shariif Xasan uu kula Saftay Xulufada Sacuudiga.

0

Hogaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa todobaadkan sheegay inuu taageersanyahay go’aankii Dowladda Sacuudiga iyo qaar ka mid ah Dowladaha Khaliijka ay xayiraadda ku saareen dowladda Qatar.

Dhinaca kale Kulankan ay magaalada Baydhabo ku yeesheen Golaha Badbaadinta Koonfur Galbeed ayaa si weyn uga hor yimaadeen qoraalkii kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed uu ku saabsanaa taageerada xulufada Sacuudiga.

Isku soo wada duuboo Mudane Aadan Maxamed Nuur Saransoor oo hore wasiir iyo xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka u soo noqday ayaa akhriyay go’aanka Golahooda kasoo baxay.

 

 

 

 

HOOS KA DHAGEYSO

HOOS KA DAAWO