DHAGEYSO : In Ka Badan 1,000 Arday Oo Ka Qalinjabisay Jaamacadda Jobkey

0

In ka badan Kun arday oo ka kooban 5 kuliyadood ayaa maanta waxa ay ka qalin jabiyeen Jaamacadda Jobkey ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ardaydan loo qabtay ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen ra’isul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed “Khadar”, guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi, wasiiro, xildhibaano, guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahana Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed, Waalidiin iyo Marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabaddaasi.

Ra’isul wasaare ku xigeenka Xukuumada Soomaaliya, ahna ku simaha ra’isul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ugu baaqay ardayda in ay ka duwanaadaan kuwa qaatay aragtida ah in aan qalinka nolol lagu raadin Karin ee Qoriga ka door biday.

Dhankiisa guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed oo ka duwanaa masuuliyiinta munaasabadda ku sugneyd, maadaama ardaydii qalinjabiyayaasha ahayd uu dhexda ka galay, islamarkaana uu iyaga la fariistay ayaa sheegay in ay ka maamul ahaan ay dhiiro galinayaan Aqoonta iyo waaya aragnimada ardayda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Jaamacadda Jobkey ee Magaalada Muqdisho Cabdicasiis Caagane Xaaji Cabdisamad oo khudabad dheer ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in ardaydii maanta qalinjabinaysay markii la qoraayay tiradoodu ay intaan ka badneyd, balse qaarkood ay miciin bideen tahriib iyo wadamo shishiyeeye, isagoona u mahadceliyay ardayda maanta qalin jabisay ee dhameystay heerka 1 aad ee Jaamacadda.

Ugu dambeyn munaasabadda waxaa soo xiray Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo dardaaran ballaaran u jeediyay ardayda, waxaana uu madasha ka akhriyay Tix Gabay ah oo uu ku dhiira galinayo ardayda Soomaaliyeed.