DHAGEYSO:- Jawaari “ Waa joojinay in Xildhibaanada ay Safarada u raacaan Farmaajo iyo Khayre, go’aan ayaana ka soo saarnay”..

0

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Prof Maxamed Shiikh Cusmaan “Jawaari” ayaa digniin u jeediyay Xildhibaanada ku maqan dalka dibadiisa kuwaas oo qaarkood Safar dibadda ah u raacay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in aan mar danbe la ogolaan doonin in xildhibaanada ay dibadda iska aadaan fasax la’aan waxaana kuwa maqan laga dalbaday in ay dib u soo laabtaan Islamarkaana aysan dhicin in ay mar danbe baxaan Fasax la’aan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Xubnaha shaqada aadaya ama dane kale u baxaya ay ku wargiliyaan Gudoonka Golaha Shacabka iyo Gudoomiyaasha Gudiyada ay ka tirsan yihiin iyo Gudiga Hab dhowr-ka Baarlamaanka Golaha Shacabka.

waxa uu xusay in aan la ogolaan doonin in Xildhibaanada ay Safarada isaga raacaan Madaxda Dalka ayagoo shaqooyin Culus u yaalaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-