DHAGEYSO:- Maamulka Galmudug oo beenisay warqad lagu faafiyay baraha bulshada

0

Maamulka Galmudug ayaa been abuur ku tilmaamay warqad lagu faafiyay baraha bulshada, taasi oo ku saabsaneyd in ay taageertay go’aanka xulufada Sacuudiga uu hoggaamiyo.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta maamulka Galmudug C/raxmaan Jaamac Afrax oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay warqadaasi in aysan laheyn sal iyo raad midna, Galmudug warqadaha ka soo baxana ay yihiin kuwo ku soo baxa sifo sharci ah.

Qaar ka tirsan maamul goboleedyada dalka ayaa taageeray go’aankii xulufada Sacuudiga, mamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu dambeeyay oo sheegay in uu taageersan yahay Sacuudiga, kana soo horjeedaan Qadar.

Hoos ka Dhageyso Codka:-