DAAWO: Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamed Cumar “Heshiiskii aan horey u kala saxiixanay, Cabdikariin Guuleed, Mahad Salaad, Maxamed Mursal ayaa sabab u ah in Qalbi Dhagax nalagu soo wareejiyo.

0

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Somalida ee Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar ayaa ka hadlay arrinta ku aadan Sarkaalka ONLF ka tirsan, ee Dowladda Somaliya ku wareejisay Dowladda Itoobiya.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa marka hore sheegay in C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) uu yahay nin ka soo jeeda Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya, kana mid ahaa Booliskii ugu horeeyay ee deegaankaasi uu yeesho, markii dambena uu ka mid noqday ONLF, isagoo gaystay dhibaatooyin isugu jira dil, dhac iyo kufsiba, sida uu yiri.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in arrinta ninkan iyo sidii laga yeeli lahaaba ay u taalo Dastuurka Itoobiya iyo waxa uu ka qabo, laamaha amniga iyo weliba Madaxda Dowladda Itoobiya.

Waxaa uu dhaliilay dadka ka careysan wareejintii C/kariin Sheekh Muuse ee lagu wareejiyay Dowladda Itoobiya, waxaana uu su’aal iska weydiiyay in dadkaasi ay u hiilinayan Sarkaalkaasi iyo inay ka xun yihiin xarigiisa? Ha yeeshee ay dadkaasi arrintaasi ka leeyihiin ajande-yaal badan, sida uu yiri.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya, ayaa sheegay in dadkaasi ay isugu jiraan kuwo xilal ka doonaya Dowladda Somaliya, kuwo ka xun horumarka Itoobiya misena taageeraya Dowladda Eritrea iyo kuwa kale, oo uu ujeedkoodu ku sheegay in la soo noolleeyo awoodda wiiqantay ee Al Shabaab, iyadoo dadkaasi uu ku dhaliilay inay u ooynayan Shabaab, oo aanay u ooynayn C/kariin Sheekh Muuse, sida uu yiri.

Isku soo wada duuboo Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamed Cumar ayaa waxa uu sheegay in Deris wanaaga ka dhexeeya iyaga iyo Soomaaliya inay sabab u tahay in horey heshiis u kala saxiixdeen, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiir Mahad Maxamed Salaad, Wasiir Maxamed Mursal Jaamac Geelle taasina ay fududeysay in lagu wareejiyo Qalbi Dhagax.

Hoos ka Dhageyso Codka:-