DHAGEYSO : Saraakiisha Booliska Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed Oo Shir Oga socdo Muqdisho.

0

Shirkani oo socon doono muddo seddex maalmood ah ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka furay Wasiirka Aminga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,kaasi oo u dhexeeya saraakiisha Booliska Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed.

Ujeedada shirkani wadatashiga ah ayaa la xiriirta qorshayaal ku aadan sidii loo dhisi lahaa ciidamo isku dhaf ah oo Boolis ah, kuwaasi oo isugu jira heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, si ay isaga kaashadaan sugida Ammaanka Dalka iyo in AMISOM ay kala wareegaan guud ahaan Ammaanka Dalka.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxmed Abuukar Islow “Ducaale” ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA uga warramay u jeedka shirkaasi, isagoo sheegay in la dhisayo ciidamo boolis ah oo gaaraya 32 kun, kuwaasi oo AMISOM kala wareegi doona Amniga Dalka.

Xildhibaan Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in aysan suuragal ahayn in ay Dowladda Soomaaliya waqtiga u haray ku dhisto Ciidamo Xoogan oo buuxin kara Kaalinta Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya,

Ciidamada AMISOM oo ka socda Dowladaha Deriska la ah Soomaaliya ayaa la filayaa dhawaan in ay Dalka isaga Baxaa,n iyadoo ay Dowladda Soomaaliya Raadineyso Qorshe lagu xoojiyo Amniga Goobaha ay ka baxayaan Ciidankaasi.