DHAGEYSO : Somaliland ” Cid Kasta Oo Waxyeeleysa Qof Ajnabi Ah Talaabo Ayaan Ka Qaadeynaa “

0

Maamulka Soomaaliland ayaa digniin ka soo saaray in la waxyeeleyo dadka dalalka kala duwan u dhashay ee ku nool Gudaha deegaanada Soomaailand kadib markii ay cabsi soo wajahday dadka u dhashay Qowmiyada Oromada.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Soomaaliland Cabdullaahi Saxardiid”Cdaani” oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa uga digay Shacabka Soomliland in ay waxyeeleeyaan dadka Ajaanibta kala duwan ah ee ku sugan deegaanada Soomaaliland.

Waxa uu sheegay in Soomaaliland aysan marnaba u dul qaadan doonin cid kasta ee waxyeeleyneysa dadka ku dhex nool deegaanadooda isla markaana ay talaabo ka qaadi doonaan.

Ugu dambeyn waxa uu faray ciidamada Soomliland in ay Gacanta ku dhigaan cid kasta oo dadkaasi dhibaateysa.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka :