DHAGEYSO:- Tababar Sare oo loo furay Saraakiil ka tirsan Koofur Galbeed

0

Saraakiil ka kala socotay gobolada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose ayaa waxaa magaalada Baydhabo looga furay Tababar kor loogu qaadayo xirfadooda shaqo.

Tababarkan oo socon doono maalmo kooban ayaa inta uu socdo waxaa bixin doona Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Furitaanka Tababarkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), Taliyaha Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed Gen. Mahad C/raxmaan Aadan iyo xubno kale.

Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay Tababarkan in uu hoggaan u noqon doono furista wadooyinka iyo sugidda amaniga.

Hoos ka Dhageyso Codka:-