DHAGEYSO WARBIXIN : Weerar Dad Shacab Ah Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Gobolka Mudug

0

Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar dhabo gal ah oo ka dhacay deegaanka Godad ee bariga Gobolka Mudug.

Waxaana lagu soo warramayaa in weerarkaasi ay ku geeriyoodeen 3 qof oo shacab ahaa, qof kalana uu ku dhaawacmay, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dadkaasi.

Lama oga sababta dhabta ah ee ka danbeysa weerarkaasi, balse waxa uu imaanayaa, xilli shalay deegaankaasi Godad maleeshiyaad hubeysan ay kufsi ugu geysteen labo Gabdhood oo xoolo dhaqato ahaa.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamullada Galmudug iyo Puntland oo ku aadan weerarkaasi ka dhacay bariga Gobolka Mudug, iyadoo xiisada maleeshiyaadka kala taabacsan maamulladaasi marba marka ka danbeyso ay ka sii dareyso.

Waxaana dhawaan Galmudug iyo Puntland ay arrintaasi u saareen guddi ka kooban 2 dhinaca, si xal waara looga gaaro colaadaha ka jira Gobolkaasi Mudug.