DHAGEYSO WAREYSI : Ciidamada Kenya Oo Dab Qabadsiiyay Saldhigoodii Degmada Baardheere.

0

Ciidamada Kenya oo ka mid ah howlgalka Midowga Afrika ee Amisom ayaa isaga baxay degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo ay mudo dhowr sano ah ku sugnaayeen iyaga oo dib ugu laabtay Gudaha dalkooda.

Bixitaankaan ayaa soo baxay shalay gelinkii dambe iyada oo ilaa xalay laga dareemayay gudaha Magaalada Baardheere.

Ka hor ka bixitanka Ciidamada Kenya ayaa la shegay in ay dab qabadsiiyeen Saldhigoodii ay deganaayeen ee degmadaasi Baardheere.

Gaashaanle Dhexe Guhaad Maxamuud Macalin Cumar Timajilic oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada Kenya iyada oo aysan ku soo wargelin isla markaana aan lag warqabin ay isaga baxeen Baardheere.

Waxa uu sheegay in Saldhigii ay ku sugnaayeen ay dab qabadsiiyeen Shidaal firinjeero, iyo Agab kale ay
isticmaalayeen,taasina ay u sii dheereed wadashaqeyn la’aan.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Gaashaanlaha