DHAGEYSO: Wasiirka Amniga oo sheegay inaan Shacabka Muqdisho la weydiin doonin Kaarar Aqoonsi ay ku maraan Wadooyinka Muqdisho

0

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo hadal kooban ka jeediyay munaasabad lagu soo gaba gabeynayay Barnaamijka Hiigsiga Caasimadda ayaa sheegay in xilligan wixii ka danbeeya Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho aan la weyydiin doonin kaararka Aqoonsiga, balse ay dhici doonto kaliya in ciidamadu ay baaraan.

Waxa uu shegay Wasiirka in arrintaan ay uga jawaabayaan Cabsho uga timid inta badan Bulsahda ku nool gobolkaan Banaadir.

Ciidamada amaanka magaalada Muqdisho ayaa dadka gaadiidka wata ee isticmaalaya wadooyinka qaar ee sida aadka ah loo ilaaliyo waxaa la weydiiyaa kaar Aqoonsi oo inta badan lagu garto shaqaalaha Dowladda.

Sikastaba hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya xili mararka qaar Shjacabka Muqdisho la weeydiiyo Kaararka Aqoonsiga, taas oo dhibaato ku noqota.

Halkaan Ka Dhageyso Codka