Faah faahin ku saabsan Dagaal ka dhacay Hiiraan

0

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan Dagaal u dhaxeeyay xubno ka tirsan Shabaaab iyo dad shacab ah oo maanta ka dhacay degaanka Far-libaax oo hoostaga magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa weerar ku qaaday degaankaasi, iyadoo shacabka ku nool degaankaasi Far-libaax ay iska difaaceen raggii weerarka soo qaaday, sida ay inoo sheegeen masuuliyiinta degaanka.

Guddoomiyaha degaanka Far-libaax Jamaal Xaaji Cali oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay weerarkan in khasaare lagu gaarsiiyay Shabaabkii weerarka soo qaaday, dhankoodana khasaaraha uu yahay mid kooban.

“Sida aad ogtahayba Al-shabaab iyo dadka degaanka muddo 5 sano ayaay dagaashanaayeen, abaaro salaada Duhur ayay maanta soo weerareen, anaga 1 qof ayaa naga dhintay, iyagana dhankooda khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaan gaarsiinay, xogtoodi waa lahaayay, dib ayaana loo celiyaay,sida aad la ogtahayba meeshani ciidanka jooga waa dhalinyaro degaanka ah.” Ayuu yiri Guddoomiye Jamaal Xaaji.

Jamaal Xaaji Cali Guddoomiyaha Degaankaasi Far-libaax ee Gobolka Hiiraan ayaa ka codsaday Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka HirShabeelle in ay gacan ka siiyaan Dagaalka Shabaab.