Faah Faahino dheeraad ah oo ka soo baxayo Saddex ruux oo lagu dilay Gobolka Mudug

0

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Mudug ee Bartamaha Somaliya, saddex ruux ayaa lagu dilay deegaano hoostagga Magaalada Gaalkacyo.

Dabley hubaysan ayaa rasaaseesay gaari dad shacab ah ay saarnaayeen oo maraayay wadada wadaagsin, gaar ahaan meel u dhaxeysa deeganada Balibusle Iyo Godad ee Bariga Gobolka Mudug.

Rasaastaasi dableyda hubaysan ay ku fureen gaariga, ayaa waxaa ku dhintay saddex ruux oo ka mid ahaa dadkii saarnaa Baabuurka, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 7 ruux oo iyaga Baabuurka la socday.

Dadka dhintay ayaa lagu soo waramayaa inay ku jiraan caruur gaariga saarneyd, inkastoo maleeshiyaadka dilka gaystay illaa hadda aanan la ogeyn cida ay yihiin.

Meesha amuurtaan ay ka dhacday, ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka taagnaa xiisad u dhaxeysa maleeshiyaad kasoo kala jeeda deeganada Galmudug iyo Puntland.

Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug Iyo Puntland intaba kama aysan hadlin dadkaan shacabka ah ee lagu laayay duleedka Magaalada Gaalkacyo.

Maydadka dadka la dilay ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka dhanka Waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo, iyadoo dadka dhaawacana halkaasi lagu dabiibaayo.

Dhacdadaan maanta lagu laayay dadka shacabka ah, ayaa waxa ay dhabar jab ku noqonaysaa qorshaha ku aadan nabadda iyo xasiloonada Gobolka Mudug oo maalmahan dambe ay wadeen maamulada Galmudug iyo Puntland.