Faah faahin+Sawirro : Madaxweynaha Hir-Shabeelle Oo La Kulmay Maamulka G/Hiiraan Iyo Saraakiisha Dowladda.

0

Xubno ay ka mid ahaayeen Masuuliyiinta Maamulka gobolka Hiiran Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Amisom ayaa madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ku soo dhaweeyay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Intaas kadib Gudaha magaalada Baladweyn ayaa kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan masuuliyiinta Maamulka Hir –Shabeelle Gobol Iyo Heer Degmo iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM.

Madaxweyne waare ayaa marka Hore u mahad ciliyey Dhamaan Dadkii ka qeyb qaatay soo dhaweeyntiisa waxa uuna shacabka ka dalbaday in lala shaqeeyo Maamulkiisa si mar dhow loo Gaaro guul la taaban karo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu dadaali doono Hor marinta Deeanada Hirshabeelle waxa uuna tilmaamay in Muhiim ay tahay in shacabka dagan Hirshabeelle in ay ka shaqeeyaan Dowladnimada .

SAWIRRO :