Gabacsatada Qaadka Kenya oo dowladdooda ka codsaday in uusan ka fakan suuqa Somaliland

0

Ganacsatada Qaadka Dalka Kenya ayaa dowladdooda ka codsaday in ay xoogga saarto sidii uusan uga fakan lahayn suuqa cusub ee ay ka heleen Somaliland kaddib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay Somalida iyo Oromada.

Labo DIyaaradood oo Qaadka Miraaha loo yaqaan ayaa maalin waliba taga Magaalada Hargeysa,waxaan Ganacsatad iyo Beeraleyda Kenya ay sheegayaan in suuqa fiican ee ay ka heleen Maamulka Somaliland ay dhirro gelin u tahay iyaga.

Dowladda Kenya ayey ka codsadeen in ay xoojiso siina adkeyso in uusan suuqaan ka fakan Ganacsatada Kenya iyo beeraleydaba,waxaan ay sheegeen in ilaa hadda ay Hargeysa u dhoofiyeen 12 Tan oo Jaad ah.

Afhayeenka Ganacsatada Qaadka Kenya Kimathi Munjuri,ayaa sheegay in hadda uu Ganacsigooda muujinayo in uu kordho maaddaama ay suuq cusub heleen,waxaase uu walaac ka muujiyay in ay heshiiyaan oromada iyo Soomaalida kaddibna Ganacsiga labada Qawmiyadood sidaas ku sii billowdo.

Ganacsatada ayaa sheegaya in Canshuur fiican ay ka qaaddo dowladda,islamarkaana loo baahanyahay in dowladdu markeeda ay xoogga saarto Ganacsatada si uu u xoogeysto Dakhliga dowladda ka soo gelaya dhoofinta Qaadka.