Hirshabeelle oo markii ugu horeysay ka hadashay Odayaal lagu xiray Jowhar

0

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Odayaashii dhowaan lagu xir xiray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Odayaashan ayaa ka qeyb qaadanayay gogoshii nabadeed ee ka fidsaneyd magaalada Jowhar, laguna dhex dhexaadinayay beelo ku dagaalamay kol hore degaano ka tirsan degmada Cadale.

Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa sheegay xiritaanka Odayaashan in ay timid kadib markii la dardar gelin waayay howlihii dib u heshiisiineed ee ka socday magaalada, taasina ay sababtay in la xiro.

Cali Guudlaawe ayaa sheegay xiritaanka Odayaashan in hal ujeedo ay ka lahaayeen, taasi oo ah in halkaasi uusan ku daadan dhiig, oo aan la isdilin.

Wuxuu sheegay Odayaasha in xuriyadooda ay dib u heleen, hadana ka Hirshabeelle ahaan ay raali gelin buuxda ka bixinayaan, maadaama uu sheegay in ay la kulmeen waxyaabo aysan mudneyn.