Human Rights Watch Oo Ka Hadashay Qaxootiga Ethiopianka Ee Laga Masaafuriyey Somalia Iyo Kenya

0

Warbixin ay soo saartay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa lagu sheegay inaysan Qaxootiga Ethiopianka ku badbaadi Karin Kenya iyo meelo kale.

Human Rights Watch waxay diiwaan gelisay Kiisas badan oo la xiriira Tacadiyo iyo Cabsi-gelin lagu hayo Qaxootigaasi magangelyo-doonka ah kuna sugan dalka Kenya iyo meelo kale tan iyo sannadkii 2010-kii.

Warbixinta ayaa lagu sheegay inay Boliska Kenya u direen qoraal oo ay ku weydiiyeen sababaha Qaxootiga Ethiopianka loo xiraa, loogu hanjabaa, isla markaana lagu wareejiyo Saraakiisha Ethiopianka ku sugan gudaha Kenya, ka hor intaan Qaxootiga dhibanayaasha dib loogu celinin dalkooda hooyo.

Hay’addu waxay sheegtay inaysan Boliska Kena ka soo jawaabin Qoraalka loo diray.

HRW waxay kaloo sheegeen inay Qaxootiga heleen Fariimo Hanjabaad ah  oo looga soo diro Telefoono laga leeyahay Kenya iyo Ethiopia

Dhinaca kale, Hay’addu waxay tilmaamtay inay jiraan Muwaadiniin Shisheeye ah oo loo gacan geliyey Dowladda Ethiopia, waxayna si gaar ah u soo qaadatayTallaabadii ay Dowladda Federalka Somalia ee ay  C/Kariim Sheekh Muuse “Qalbi-dhagax” bishii hore ugu gacan gelisay Dowladda Ethiopia.