Korneyl Tima Jilic oo ka hadlay ka bixista ciidanka Kenya Magaalada Baardheere

0

Korneyl Guhaad Maxamuud Macalin Cumar (Tima Jilic) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Somaliya ee ku sugan Gobolka Gedo, ayaa ka hadlay ka bixitaanka Ciidamada Kenya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Sarkaalkaan ayaa sheegay illaa hadda inay garan la’yihiin sabab rasmi ah oo ciidamada Kenya ay uga baxeen Degmada Baardheere, isaga oo sheegay inay ka war heleen kaliya bixitaankan ciidanka iyaga oo isku abaabulaya.

Korneyl Tima Jilic, ayaa wuxuu sheegay xalay saqdii dhexe inay ka war heleen xeradii Ciidanka Kenya oo gubanaysa, kadib markii ciidamada Kenya ay dab qabadsiiyeen, si Saldhigaasi uusan u noqon mid ay dagaan ciidan kale, dhamaan Difaaciina uu noqday mid gubtay.

“Lix saac xalay waxaan aragnay taliskii ciidanka Kenya oo ololaya oo bansiin la qabadsiiyay, waxaan isdhahnay Magaalada miyaa la soo galay, markaan meeshii tagnay waxaan ugu tagnay ciidamada Kenya oo taliska gubaya, sababtana hadda waxa ay tahay in Saldhigaasi ciidan ay dagaan ayeey diidayaan, Finijeero, fadhiyo ciidan  iyo agab badan bay xaasidnimo u gubeen.” Ayuu yiri Korneyl Tima Jilic.

Sarkaalkaan ayaa intaasi wuxuu hadalkiisa ku daray tallaabada ciidamada Kenya ay uga baxeen Degmada Baardheere inay soo dhaweynayaan, maadaama sida uu sheegay Kenyan-ka aysan wax faa’iido ah u haynin dadka reer Gedo.

Korneyl Tima Jilic, ayaa sidoo kale sheegay ciidankii ka baxay Baardheere inay u dhaqaaqeen dhanka Xuduuda, ayna u badan tahay in dalkooda ay dib ugu laabanayaan.

Dowladda Kenya ayaanan  illaa hadda ka hadlin sababta rasmiga ah ee ciidamadooda ay uga baxeen Degmada Baardheere oo muddo ay ku sugnaan jireen.